Gabay Dar Daaran By Imam Hassan Jaamici

1. Diintiisa Alle daryeele dadkiisa duulka u tabarta daran daryeele daa’in kaa dib u soo celiya ( wada dhaha inta dambe)

 

2.  Dabadhalif daba carar diide,  duf ku bax deyntiisa iyo deeqdiisa diide, daa’in kaa  dib u soo celiya

 

3. Diinta Alle difaace,  dalkii kheyraad badda difaace,  daa’in kaa dib u soo celiya

 

4. Damac dollar laaluush diide,  damac daris loo durbaantumo diide,  daa’inkaa dib u soo celiya

 

5. Diintoo dallar laga doorto diide,  Dadkiisa inuu la dagaalo diide,  daa’inkaa dib u soo celiya

 

6. Dadkiisa inuu dulmiyaa diide,  dano shisheeye daryeelkeeda diide, daa’inkaa dib u soo celiya

 

7. Dowladda dad amaano laheyn u diide, dowladda dad aan aqoon laheyn u diide, daainkaa dib u soo celiya

 

8. Dowlad daciif ah diide,  dowlad laga daadihiyo  xaga dariska diide, daa’inkaa dib u soo celiya.

 

9. Dowlad dib loo adoonsada diide,  dowlad dadkeeda kala daadsan diide, daa’inkaa dib u soo celiya.

 

Post a comment

Book your tickets